Kadib markii waaberigii hore ee saaka Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay dagaal kula wareegeen degaanka daru-Nicma oo hoostaga degmada Runil-Good ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa la sheegay inay ciidamada dowladda dib ula wareegeen degaanka.

Intii uu socday dagaalka ayaa warar aan helnay waxaa ay sheegayaan in diyaarado dagaal ay duqeyn ka geysteen , sidoo kalena Al-Shabaab ay burburiyeen Goobo muhiim ah oo kuyaalla degaanka.

Advertisement

Xaaladda degaanka Daaru-Nicma ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ah mid dagan waxaana sidoo kale bad qaba Ceelkii Biyaha oo ay isku dayeen in ay Qarax ku xiraan laakin aan suuragalin.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo taliska Guud ee Ciidamada ayaan weli ka hadlin dagaalka ka dhacay degaankaย  Daaru-Nicma, balse Al-Shabaab ay sheegteen inay burburiyeen Saldhigyadii Ciidamada dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here