Maamulka deegaanka Dowgaab ee Gobolka Mudug oo kaashanay Ciidamada Booliska dowlad goboleedka Galmudug ayaa burburiyay dhismayaal si-sharci daro ah oo laga hirgaliyay dhul daaqsimeedka degaanka Dabirwyene oo u dhaxeeya degaannada Dawgaab iyo Balli Guuleed ee degmada Hobyo.

Howlgalka intii uu socday ayaa waxaa lagu burburiyay Baraago, Baag Biyo lagu shubay iyo dhismayaal si sharci darro ah loo dhisay, kuwaas oo dhowr jeer ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed oo wada dega gobolka mudug.

Advertisement

Mas’uuliyiinta Maamulka deegaanka Dowgaab ee Gobolka Mudug ayaa sheegay inay cagta mariyeen dhammaan dhismayaashii sharci darrada ahaa ee sahli karay inay degaanka ka dhacdo amni darro.

Waxaa ay sheegeen in mar dambe ciddii dhismayaal shacri darro ah ka dhista degaanka laga burburiyay la xiri doono, isla markaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono, iyaga oo ugu baaqay Shacabka in aan leysku xadudbin.

Qaar kamid ah dadkii laga burburiyay dismayaasha ahaa baraagta iyo baaga ay biyaha kujiraan ayaa dhankooda sheegay inay Maamulka iyo laamaha Amniga ku garab siinayaan sugitaanka Amniga.

Degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa horay uga dhacay dagaal Beeleedyo sabab u ahaa isku qabsiga dhul daaqsimaadyo kala duwan, kuwaas oo weli qaarkood taagan

Previous articleCiidamada dowladda oo dib ula wareegay degaanka Daaru-nicma ee Sh/Dhexe
Next articleDFS oo sheegtay in ay burburisay ‘Maxkamad AS’ ay ka furatay Gobolka Shabeelaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here