War kooban oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidamada gaar ahaan kuwa gaarka u tababaran ee Haramcad ay burburiyeen goobo ay ‘AS’ ka dhigatay Maxkamado oo ku taalla Deegaanno hoostaga Degmada Afgooye Gobolka Shabeelaha Hoose DG Koofur Galbeed.

May be an image of 1 person

Advertisement

Dowladda Federaalka ma sheegin war intaas dhaafsiisan sida Khasaaraha ka dhashay howlgalkaas, haddii Goobaha ay tageen ay ugu dul tageen dad ku sugnaa iyo xog kale oo la xiriirta faah-faahinta howlgalka ay sameeyeen Ciidamada Booliiska gaarka u tababaran ee Haramcad.

May be an image of 3 people and text

“Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa saakay howlgal qorsheysan ku burburiyey maxkamad beenaadkii Khawaarijtu ku lahayd deegaano hoos taga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose” ayaa lagu yiri warka kooban ee DFS kasoo baxay.

May be an image of 4 people and text

Ciidamada gaarka u tababaran ee Kumaandooska ah ee DANAB iyo Booliiska gaarka ah ee Haramcad ayaa muddooyinkii dambe howlgallo ka waday deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

No photo description available.

Dowladda ayaa howlgalladaas waxaa kasoo gaaray khasaara dhimasho iyo dhaawac halka dhanka ‘AS’ ay gaarsiiyeen waxyeello isla markaana ay ka burburiyeen goobo kala duwan oo ay ka dhigteen Maxkamado iyo xarumo.

May be an image of 4 people

Previous articleLaamaha Amniga Galmudug oo burburiyay dhul daaqsimeedyo lagu dagaalamay
Next articleXildhibaanada Xawaadle ee Baarlamaanka Hirshabeelle oo cadeeyay mowqifkooda ku aadan xilka qaadistii Cali Jeyte

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here