QAZA (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Israel ayaa si xun u garaacay oo xabsiga u taxaabay weriyaha Aljazeera Ismail al-Ghoul intii lagu guda jiray weerar ay ku qaadeen cisbitaalka al-Shifa ee magaalada Gaza.

Al-Ghoul waxa uu halkaas ku sugnaa horraantii isniinta isaga iyo shaqaalihiisa iyo wariyayaashii kale si ay u soo tebiyaan weerarkii afraad ee ciidamada Israa’iil ku qaadeen cusbitaalka, halkaas oo kumannaan rayid ah ay ku xanniban yihiin, oo ay ku jiraan shaqaalaha caafimaadka, bukaannada iyo qoysaska barokacay.

Advertisement

Goob joogayaal ayaa sheegay in weriyaha Aljazeera ay jiidayeen ciidamada Israa’iil, iyagoo sidoo kale burburiyay qalabkii wariyaha iyo kuwii isbitaalka.

Isbitaalka oo ah kan ugu weyn marinka Qaza, ayaa ahaa saldhig ay saxafiyiinta ka soo tebiyaan dagaalka shanta bilood ka badan ee Israel ay ku heyso dhulka Falastiin.

Hani Mahmoud, oo ka tirsan Al Jazeera, oo ka soo waramaya Rafah, ayaa sheegay in al-Ghoul “la jirdilay, garaacay oo ay xireen milatariga Israel isaga iyo shaqaalihiisa.

Ismail al-Ghoul

Ugu yaraan 31,726 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 73,792 oo kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

=SOURCE ALJAZEERA=

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleWax ka ogow ciidamada Hindiya ee Soomaalida kula dagaalamay badda dhexdeeda
Next articleWafdi ka socda Egypt Air oo Muqdisho soo gaaray+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here