Ciidanka Djibouti ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS ayaa maanta  gurmad gargaar ah u fidiyay ga shacabkii ka barkacay fataahadda Beledweyne kuwaasoo degan ceeljaale.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/laahi Sufurow iyo Taliyaha Ciidamada Jabuuti Xumud Maxamed Axmed ayaa goob joog ka ahaa halka gargaarkiisa loogu qeybinaayay shacabka reer Hiiraan.

Advertisement

kaalmadaan ka timid ciidamada Hiil walaal ee Jabuuti ayaa isugu jirtay baco,buskud,mara kaneeco iyo biyo cabitaan kuwa warshadeysan ah.

Kumanaan qoys ayaa ka barakacay Baladweyne kuwaasoo gaaray deegaanada duleedka kaga beegan Magaalada Baladweyne markii biyaha roobku ka barakaciyeen guryahoodii.

Taliyaha Ciidamada Jabuuti oo ka hadlay goobta ayaa sheegay inay sii wadi doonaan kaalmeynta walaalahood Soomaaliyeed islamarkana aysana mida maanta ku ekaan doonin.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/laahi Axmed Maalin Sufurow ayaa isna ka mahad celiyay kaalmada ay ka heleen walaalaha reer Jabuuti.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

No description available.No description available.

No description available.No description available.No description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here