Ciidamada dalka Niger ee ku yaalla Galbeedka Africa, ayaa telefishanka qaranka dalkaas kaga dhawaaqay afgembi, iyaga oo sheegay inay laaleen dastuurka dalka, oo ay kala direen dhamaan xarumaha kala duwan ee ku yaalla dalka, isla markaana ay xireen xudduudaha dalkaas.

Ciidamada ayaa Arbacadi shalay ahayd xiray madaxweynaha dalkaas Niger, Mohamed Bazoum, iyo ilaaladiisa. Qaar kamid ah waddamada beesha caalamka ayaa dhaleeceeyay falkaasi afgembiga ee ka dhacay Niger, iyagoo ku tilmaamay wax aan la aqbali karin.

Advertisement

Madaxweyne Bazoum ayaa ah xulafo muhiimka ah oo reer galbeedka ku taagera dagaalka ka dhanka ah kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalama Galbeedka Afrika. Laba waddan oo ay deris yihiin Niger, oo kala ah Mali iyo Burkina Faso, ayaa wajahay afgambi ay dabada ka riixayeen kooxaha jihaad doonka ah oo soo badanayay sanadihii u dambeeyay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa cambaareeyay dadaal kasta oo lagu doonayo in xoog lagu qabsado dalka Niger, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan.

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa goor dambe oo Arbacadii la hadlay Madaxweyne Bazoum wuxuuna u soo bandhigay “taageero buuxda” hoggaamiyaha sida muuqata lagu xiray isku day afgambi, afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa yiri.

Galabta Antonio Guterres ayaa la hadlay Madaxweynaha Najer. Waxa uu si buuxda u muujiyay taageerada iyo garab istaaga uu u hayo Madaxweynaha Niger,” ayuu afhayeenku ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, barta bulshadu ku xidhiidho ayaa magaceeda loo beddelay X.

Maraykanka, Faransiiska iyo Midowga Yurub ayaa sidoo kale cambaareeyay awoodda la wareegay.

Mareykanka ayaa aad uga walaacsanaa wuxuuna cambaareeyay dadaal kasta oo lagu doonayo in lagu xiro ama lagu dumiyo shaqada dowladda sida dimuqraadiga ah loo soo doortay ee Niger, Lataliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad Jake Sullivan ayaa yiri.

Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo Magaalada Muqdisho ku casuumay Madaxweynaha dalka Tanzania Samia
Next articleSaciid Deni oo loo hanjabay hadii uu fulin waayo ballanta uu qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here