Ciidamada Xasilinta Xamar ee Booliis Milataaro ayaa maanta howlgal amni waxay ka fuliyeen Degmooyin ka tirsan Magaalada Muqdisho.
Ciidamadaan ayaa la arkaayay iyagoo guri guri u baaraya degmooyinka Dayniile iyo Heliwaa sida ay sheegtay Idaacada Shabelle iyaGoo baadi goobayay hub sharci daro lagu haysto.
Askartaan waxay istaajinayeen gaadiidka gaarka loo leeyahay taasoo qeyb ka ah sugida amaanka Magaalada Muqdisho.
Ciidamadaan waxay sidoo kale baaritaano ka sameeyeen deeganada dhaca duleedka Magaalada Muqdisho halkaasoo iyana la baarayay gadiidka iyo guryaha .
Ciidamadaan ayaa sida lagu bartay caadiyan xitaa waxay joogta u taagan yihiin wadooyinka Xamar laga soo galo iyo xitaa kuwa gudaha,waxyna howlgalkooda maanta uu imaanayaa xili maalin ka hor ay deegaanka Daaru-salaam ee duleedka Xamar ku qabteen gaari walxaha qarxaha laga soo buuxshay kaasoo aan la ogeyn halka lala rabay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM