Ciidanka Ilaalada Xeebaha Boliiska iyo Hawlgalka Ciidamada Badda Midowga Yurub ee Soomaaliya loona yaqaano (ATALANTA) ayaa fuliyay layli mideysan ay ku qaateen Markabka dagaalka lagu magacaabo (CANARIAS) ee Dalka Spain gudaha biyaha Soomaaliya.

Layligaan ayaa xambaarsanaa qaababka la dagaalanka burcad-badeedka, dhaca hubeysan ee badda iyo ka hortagga maagelinta sharci darrada ah ee dembiilayaasha iyo shabakadaha Argagixisada.

Advertisement

Layligaan wuxuu kamid yahay tababarada joogtada ah ee lagu tayeynayo Ciidanka Ilaalada Xeebaha Boliiska, sarena loogu qaadayo xirfadaha kala duwan ee Saraakiisha ammaanka iyo nabadgalyada badaha.

Layligaan wadajirka ah waxaa hoogaaminaayay Taliyaha Ilaalada Xeebaha G/sare Bashiir Cabdi Qaasim iyo Taliyaha Markabka Dagaalka “CANARIAS” (F-86) Carlos CASTOSA.

Previous articleWararkii ugu danbeeyay xaalada Falastiin,Iran iyo Isra’iil
Next articleShirka Wasiirada oo lagu ansixiyay heshiisyo Dowladu la gashay Dalka Tanzania+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here