Iran ayaa xuseysa maalinta ciidamada iyadoo dunidu ay isha ku heyso Ciidamada Isra’iil oo laga cabsi qabo inay aargoosi kula dhaqaaqaan Iiran ka dib weerarkii aan horay loo arag ee Iiran ku qaaday Israa’iil.

Ra’iisul wasaaraha Qatar ayaa sheegay in wadahadallada xabbad joojinta Gaza ay turunturoodeen, wuxuuna ka digay ballaarinta colaadda ee Bariga Dhexe.

Advertisement

Duqeymo ayaa ka dhacay garoon lagu ciyaaro iyo suuq mashquul badan oo ku yaala xerada qaxootiga ee Maghazi iyadoo ugu yaraan 56 falastiiniyiin ah lagu dilay guud ahaan Gaza maalintii la soo dhaafay iyadoo duqeymaha Israel ay ku heyso dadka rayidka ah uu sii socdo.

Ugu yaraan 33,899 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 76,664 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Previous articleMadaxweynaha oo kulan dhiiri gelin ah la yeeshay Orodyahan-Soomaaliyeed
Next articleCiidamo badeed dhoola tus ku sameeyay Badda Somalia+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here