Warqad ka soo baxay Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay Soomaalida ku dhaqan Dalka Kenya in  Xafiis cusub ay CID-du ka furatay Safaarada Soomaaliya ee ku taal Dalka Kenya gaar ahaan Nairoobi.
Qoraalka Taliska Booliiska ee Wargelinta ah ayaa u qornaa sidan:-

Wargalin.
Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, wuxuu bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya, ku wargalinayaa in ay Safaarada Soomaliya ee Nairobi ka heli karaan, adeega warqada dembi la’aanta iyo mida asluub wanaaga, laga bilaabo maalinta isniinta ah 11 March 2024.

Hoggaanka Baarista Dembiyada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed (CID), oo xafiis ku leh safaarada, ayaa qabanaya shaqadaas oo laga maarmaan u ah ummadda Soomaaliyeed in mudo ahna ay dadkeenu ku dhibanaayeen helisteeda.

Waxaa intaas dheer, in Hoggaanku uu qorsheynaayo in xafiisyo kale laga furo safaaradaha Soomaali ee Dalka Dibadiisa ah, oo ay ummadu ku dhibantahay si muwadiniinta u helaan adeega sare ku xusan.

Wixii cabasho ah oo la xariira helista adeega wax lagu soo hagaajin karaa safaarada ama emailka Hoggaanka Baarista cidsomalia@cid.gov.so
Mahadsanidiin.
Previous articleReelRampage AI Review: Skyrocket Your Instagram Traffic and Sales with This Game-Changing Tool
Next articleWasiiru Dowlaha Maaliyada oo Turkey uga qeybgashay shirka Iskaashiga Ganacsiga+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here