Dhaqdhaqaaq ciidan oo iska soo horjeeda ayaa ka socda Buurta Gacan-Libaax, waxaa halkaas isku hor-fadhiya Ciidamada Somaliland iyo Jabhadda hubeysan ee ku sugan Buurtaas sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo deegaanka ah.
Waxaa la arkayaa Gaadiidka Dagaalka oo ay wataan ciidamada Militariga iyo Booliiska Somaliland oo marba dhinac isku dhaafaya, halka gudaha buurta Gacan-Libaax & hareeraheeda lagu arkayo kooxo hubeysan.
Xaaladdaan & xiisaddaan waxa ay cabsi gelisay Dadka deegaanka oo waxa ay welwel ka muujinayaan isku dhac xooggan oo dhexmara Ciidamada Somaliland iyo Kooxda hubeysan ee Jabhadda Gacan-Libaax.
Ururrada Bulshada rayidka Somaliland ayaa ka digtay dagaal ka dhex billowda Ciidamada lagu daadgureynayo Buurta Gacan-Libaax iyo kooxaha hubeysan ee ku dhawaaqay in ay jabhadeynayaan oo saameyn taban ku reebaya Deegaannada xasiloon.