War qoraal ah oo ka soo baxay Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa lagu shaaciyay in 2 maalin dib loo dhigay ciyaaraha  Maamul Goboleedyada.

Kulamada dib loo dhigay waa kuwii loo balansanaa Sabtida iyo Axada waxaana loo raray isniinta soo socota taasoo la macno ah in berito oo sabti ah  iyo Axada ku xigta  aan la ciyaari doonin.

Advertisement

Qoraal ka soo baxay xiriirka ayaa u qornaa sida tan⬇️

Guddiga Farsada Iyo Tartamada Ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed , Iyo Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Cayaaraha JFS ,

Waxay Raaligelin Buuxda Siinayaan Dhamaan Taageerayaasha Tartanka Dowlad Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir Iyo Dhamaan Bagdad Sports ka Ciladihii farsamo Iyo Daaha Cayaarta Galabta Ku Timid , Sidoo Kale Waxay Si khaas uga raaliginayaan Taageerayaashii Galabta U Saamixi Weysay inay Daawadan Tartanka Ayaga oo Tikityo Soo Jartay.

Ugu Dambeyn Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Waxa uu idin Ku Wargelinayaa in Cayaarta Beri Ee Banaadir VS Koonfur Galbeed dib loo dhigay lana Cayaari Doono Maalinta Isniinta 1da Janaayo 2024.

Jadwalka oo Faahfaahsana dib idin kula soo wadaagi doonaa Mahadsanidiin.

Previous articleMadaxda Dowlada oo ka tacsiyeysay geerida Xildhibaan hore oo maanta la dilay
Next articleDowlada Burundi oo bishaan ciidamo badan kala baxday Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here