Shir Madaxeedka Midowga Africa ayaa gacanta la’iskula tagay kadib markii ay dawladda Ethiopia oo marti-gelinaysa ay ku guul-dareysatay hab-agaasinka, iyo marti-soorka madaxda midowga Africa.

Video-Clip laga soo qaaday xarunta midowga Africa ayaa muujinaya buuq, fawdo iyo gacan ka hadal dhex-marayey wafuudda qaar ee ka qayb-galaya shirka, taasi oo muujinaysa habacsanaanta iyo fashilka ay wajahayso Xukuumadda Addis ababa.

Warbaahinta Gudaha Itoobiya(Amaharic News Agency) ayaa sheegtay in shirka Midowga Africa intiii uu socday ay rabshada ka dhaceeen halka falanqeeye Itoobiyaan ah oo lagu magacaabo, AndargachewTse uu ku sifeeyey sanadkaan in uu Itoobiya uu yahay sanad uga xun si guud, si gaar ah habka maamulka Shir Madaxeedka Midowga Africa 2024.

“Sanadka 2024 waxaa lagu xasuusan doonaa in uu yahay sanadka nasiib xumada, sumcad-dilka iyo is-bahdilka haddii si kale loo dhigana waa dhaawac gaaray taariikhda xiriirka ee ay Itoobiya la leedahay caalamka”, sidaa waxaa yiri AndargachewTse AndargachewTse wuxuu sheegay in dawladda Itoobiya ee uu hogaamiyo Abiy Ahmed uu fashilkiisa aan looga horeyn kadib markii uu heshiis is-afgarad ah uu la saxiixday gobal kamida Soomaaliya sannadka cusub bilowgiisa.

AndargachewTse wuxuu sheegay in Madaxweynaha dawlada Federalka Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ka baxsaday dabin lala damacsanaaa, uuna fariinta dawladiisa ka jeediyay madasha midowga Africa, wuxuuna ku tilmaamay fursad uu Madaxweynaha kaga faa’ideystay ka sakow in car-qalad uu la kulmay ka hor inta uusan gaarin xarunta shirka.

Meertada 37-aad ee Midowga Africa ayaa waxa uga muhiimsan ee uu xal u raadinayey oo shirkiisa ku saabsanaa waxa uu ahaa xalinta colaada ka jirta dalka Africa, Xiisada Somaliya iyo Itoobiya, Sudan, Congo, iyo kuwa kale.

Dejazmach oo isna u dhashay Itoobiya ahna falan-qeeye ayaa Video-ga ku sheegay in ay yihiin dadka is fara-saaray ay yihiin ‘Wafdi Congolese ah iyo Madaxweynah Rwanda, Paul Kigame oo ay ku eedeynayaan in uu hurinaya colaada dalkooda.
=XIGASHO WARBAAHINTA QARANKA=
Previous articleMidowga Afrika oo dhabarka ka toogtay Somalia
Next articleDAAWO: Maamulka Somaliland oo dalbaday in meydka C/naasir Muuse diyaarad loo soo saaro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here