Wasiir ku xigeenka Diinta iyo Awqaafta Xukuumada Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay hal sifo oo looga hortagi karo dhibaato ka dhalan karta roobabka iyo dabeylaha El-nino ee la saadaalinayo.

Wasiirka ayaa sheegay in halka sifo ay tahay in Alle SWT loo toobad keeno si looga badbaado dhibaatooyinka sida duufaanta El niino.

Advertisement

Hore qeybaha kale ee Dowlada sida hay’ada maareynta masiibooyinka waxay bulshada u sheegeen in loo diyaar garoobo ka hor taga EL-nino iyagoona ku celceliyay in looga  hortagi karo in laga dheeraado meelaha biya mareenada ah.

Hay’ada Maareynta Masiibooyinka waxay tageen degmooyin dhowr ah sida Baydhabo iyagoona meel kasta gaarsiinayay fariimahooda.

Waa markii ugu horeysay oo Masuuk Dowlada ka tirsan uu sidaan oo kale dadka u sheego xalka saxda ah.

XAFIISKA WARAR
DAYNIIILE.COM

No description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here