Roobab waa weyn ayaa maanta ka da’ay qaar ka mida Degmooyinka Muqdisho kuwaasoo u qaab ekaa kuwii Gobolada ka da’ayay.

Roobabka maanta waxay sababeen biya sida wabigii ah oo laamiyada harqiyay iyadoo meelaha qaar ay adkeyd in la bad baadiyo qofkii biyuhu jiitaan.

Advertisement

wararka qaar ayaa sheegaya in dad caawa la baafinaayo kuwaasoo looga shakisan yahay in biyaha ay qaadeen inkastoo war sugan aan la heyn ilaa iminka.

Meelaha uu maanta roobkaani aadka saameynta ugu yeeshay waxaa ka mid ah Degmooyinka Howlwaaag iyo Hodan gaar ahaan nawaaxiga suuqa bakaaraha oo dad badan Rabi suurtageliyay in la bad baadiyo markii biyuhu qadeen islamarkaana ay koontaroolka lumiyeen.

Inta u dhexeysa isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha ayaa dad badan biyaha laga soo dhex qabtay,iyadoo biyuhu xowligooda u daadagayeen dhanka isgoyska dabka xili nawaaxiga iskuulka dhagaxtuur dhowr qof lagu badbaadiyay markii biyuhu ka soo dafeen dhanka ishoyska Bakaaraha.

Si kastaba waxaa Alle mahadiis ah inaaney jirin war sheegaya in dad ku dhinteen rokbabka sidaas u xoogganaa.

Previous articleWarbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Next articleRa’iisul Wasaare ku xigeenka oo maanta booqday xarunta maareynta masiibooyinka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here