MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Shirka maanta ay yeesheen Xildhinaanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa ka dhacday maanta xoogaa rabsho ah iyo gacan ka hadal yar.

Mooshinka maanta laga hadlaayay ayaa ahaa:-

Advertisement

1-Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Hay’adda adeegyada Baaritaanka iyo Sharciyeynta Beeraha Soomaaliyeed (SARIS)
2) Akhrinta 1aad ee Hindise -Sharciyeedka Badbaadada Dhir-Beereedka iyo Takoorka.
3) Akhrinta 1aad ee Hindise -Sharciyeedka Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed..

Haweeney ka mida Xilduibaanada ayaa furitaankii shirkaba waxay biyo ku shubtay Hab-dhowraha Baarlamaanka taasoo buuq iyo sawaxan ka dhex dhalisay fadhiga Baarlamaanka.

Hab-dhowraha biyaha lagu sayray ayaa laftigiisu hadal jeediyay dhacdadaasi kadib wuxuuna ka digay talaabada nuucaasi inay suurad xumeyn karto sharafta Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliyed.

Wuxuu ka codsaday xildhibaanada inay dhowraan shuruucda iyo xeerarka Baarlamaanka isagoona facil xun ku tilmaamay waxa ay sameysay xildhibaanada.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleMaxaa looga hadlay kulankii maanta ay yeesheen Baarlamaanka+SAWIRRO
Next articleSAWIRRO: Xuutiyiinta Yeman oo dhigay dibad bax ay ku taageerayaan Falastiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here