Kumanaan dibadbaxayaal ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka caasimadda Yemen ee Sanca, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan Falastiiniyiinta, kana soo horjeedaan weerarada reer galbeedka ee Yemen, iyadoo dagaalka Israa’iil ee Gaza uu weli socdo.

Banaanbaxa oo shalay dhacay wariyaha Aljazeera oo ku sugnaa wuxuu sheegay in qaar badan oo ka mid ah dadkii isugu soo baxay ay ku eedeeyeen Mareykanka inuu taageerayo dagaalka Israel, waxayna ballan qaadeen inay sii wadi doonaan garab istaagga walaalahooda Falastiin.

Advertisement

“Waxay hadda leeyihiin, Ma danayneyno cadhadaada, ma danayneyno wax kasta oo aad nagu sameyso, waxaan sii wadi doonaa taageeradayada iyo taageerada Falastiiniyiinta ilaa ay Israel joojinayso dagaalka ay ku hayso Gaza,” ayuu raaciyay.

Arbacadii, maamulka Biden ayaa Xuutiyiinta Yemen dib ugu daray liiska argagixiso caalami ah iyagoo si gaar ah ugu eedeeyay weerarrada ay ka wadaan Badda Cas, oo horana ay u sheegeen inay ku bar tilmaadsanayaan maraakiibta Mareykanka iyo  Israa’iil.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Houthi supporters rally in SanaaHouthi supporters rally in SanaaHouthi supporters rally in SanaaHouthi supporters rally in SanaaHouthi supporters rally in SanaaHouthi supporters rally in SanaaHouthi supporters rally in SanaaHouthi supporters rally in SanaaHouthi supporters rally in SanaaHouthi supporters rally in Sanaa

Previous articleDAAWO: Xildhibaanad gacan ka hadal kula kacday Hab-dhowraha Golaha Shacabka
Next articleMadaxweynaha oo la kulmay Sh. Al-Azhar Al Shariif+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here