Muqdisho (dayniiile.com)-Dab Xooggan ayaa Caawa fiidkii hore ka kacay Garoonka diyaaradaha Muqdisho qeybta Afisyone ee Ciidamada Milatariga ay daganaan jireen xiligii Dowladii kacaanka.
Dabkaan oo holac iyo uura bixiyay ayaa waxaa u soo gurmaday gadiidka dab damiska ee Maamulka Gobolka Banadir kuwaasoo ugu danbeyn ku guuleystay inay bakhtiijiyaan.
Advertisement
Shaqaalaha gurmadka degedega ee Gobolka Banaadir ayay ku qaadatay ku dhawaad 2 saac inay ku bakhtiijiyaan dabkaasi.
Ma jirto wax faahfaahin ah oo aan ka helnay hadii uu dabkaasi gaystay khasaare nafeed ama mid hantiyeeed intaba waxaase lagu wadaa inay Dowladu ka hadasho.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM