MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Suuqa bakaaraha qeybta Bagaashka iyo Electronica waxaa ka kacay Dab weyn oo saaka aroortii ilaa Barqadaana socda kaasoo geystay khasaare hantiyeed oo balaaran.

Dabkaan ayaa si gaar ah uga kacay wadada isku xirta dhismaha shirkadda Somtel iyo suuqa Cabdalla-shideeye halkaasoo ay ku badan yihiin electronica iyo bagaashka.

Advertisement

Wararka ugu danbeeya ayaa sheegaya inuu socdo gurmad lagu badbaadinayo hantida umadda oo kooxaha gurmadka deg degga ah ee maamulka gobolka Banaadir iyo shirkada Hormuud iska kaashanayaan.

Mid ka mida ganacsatada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dabu qabaaday inta badan 12 boos oo isku weer ah isagoona umahad celiyay dam-damiska shirkada hormuud.

Wuxuu sidoo kale ka codsaday inay gurmad la soo gaaraan cid kasta oo wax ka gashay sidii dabkaasi loo bakhtiijin lahaa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleCiidamada NISA oo gaacanta ku dhigey kooxihii dilay Nabadoon Cabdi Kaduud.
Next articleRa’iisulwasaraha oo xariga ka jaray wado la dayactiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here