BAHIR DAR (DAYNIILE.COM)-Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowada Abiy Axmed ee Itoobiya iyo kuwa jabhada Fano ee qowmiyada Amxaarada ayaa la soo sheegayaa inuu ka socdo Magaalada Bahir Dar .
Dagaalkaan oo ah mid culus maalinba maalinta ka danbeysana  sii adkanaya ayaa maalintii Afaraad galay waxaana wali la isku hayaa Magaalada Bahir Dar oo la sheegay inay tahay Magaalo madaxda Gobolka Amxaarada Itoobiya.

Mareshet Tsehayu oo ah Afhayeenka Jabhada Fano ayaa sheegay maalin kasta ay laayaan ciidamada loo soo diro ee ka socda dhanka Dowlada ,wuxuuna si jees jees ah u yiri soo badsada ciidamada.

“hadey 400 yihiin waxay ciidan ah u soo dirsadeen waxaan dhihi lahayn soo badsada inaguna waxaa naga diyaara inaan kuwana dilno kuwana nolosha ku qabano”ayuu yiri Afhayeenka Jabhada Fano.
Hady’ada Xuuqul Aadanaha ee Itoobiya oo dagaalada ka hadleysay dagaalada ayaa daboolka ka qaaday in khasaaraha dadka soo gaaraya ay sii kordhinayaan weerarada lagu qaado goobaha ay dadku ku badan yihiin.
XAFIISKA WARARKA|
DAYNIILE.COM
Previous articleRa’iisulwasaare Xamze ” “Si loo xaqiijiyo dowladnimo casri ah waa inaan qaadno wado ka duwan ti hore” +SAWIRRO
Next articleAfhayeenka Booliiska oo ka hadlay dhacdooyinkii ugu danbeeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here