DJABUTI (DAYNIIILE.COM)-Wasiirkii Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa la soo sheegayaa inay  goordhaw ku geeriyootay dalka Jabuuti.
Isbitaal ayaa loola cararay markii uu xanuun ku soo booday , balse intij dhaqaatiirtu dadaalkooda wadeen ayay geeriyootay Rabi ha u naxariistee.
Qaar ka mida masuuliyiinta Dowlada ayaa xaqiijiyay geerida Wasiiradaan ,waxaana lagu wadaa in meydkeeda loo soo qaado Muqdisho si aaas Qaran loogu sameeyo.

Wasiirada Allaha u naxariistee waxay ka mid ahayd wafdigii Ra’iisilwasaaraha Soomaaliya u raacay Dalka Jabuuti iyagoo ka qeybgalay shirkii Mac-hadka Hiretage.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Previous articleXamze iyo Geelle oo kulan ku yeeshay Jabuuti +Sawirro
Next articleRa’iisulwasaare Xamze oo ka tacsiyeeyay Geerida ku timid Wasiirad Khadiija

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here