Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta aysan Shaqeyneyn Dekadda Magaalada, iyad aoo faah faahin ay kasoo baxeysa sababta xirnaanshaha dekadda.

Xogta aan helnay ayaa waxaa ay sheegeeysaa in sababta Maanta aysan u Shaqeyneyn dekadda Magaalada Boosaaso ay tahay ka dib markii shirkadda DP-World ee laga leeyahay Imaaraadka ay cashuurta ku kordhisey badeecadaha ka soo degeyey dekadda , taasi oo ay ganacsatadu ka biyo-diideen.

Advertisement

Qaar kamid ah Ganacsatada ayaa waxaa ay sheegeen in aysan aqbaleyn lacagaha dheeriga ah oo ay Shirkadda DP World ay kusoo rogtay badeecadaha ay kasoo degsanayaan dekadda, isla markaana Shaqa joojin ay ku dhawaaqeen.

Horay ayaa Siyaasiyiinta kasoo jeeda degaannada Puntland iyo Xildhibaano katirsan Golaha Wakiilada waxaa ay ku eedeeyeen DP-World aysan wax muuqda ka qaban marsada ay sannadaha badan gacanta ku hayso, balse marar kala duwan samaysay cashuur kordhin.

Xukuumaddii Madaxweynihii hore ee Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa Shirkadda DP-World ee laga leeyahay Imaaraadka kula heshiisay in dib u dhis iyo ballaarin lagu sameeyo dekadda Boosaaso, balse ilaa iyo hadda la sheegay in aysan wax buuran ka qaban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here