Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee dalkaasi, Ilyas M. Dawaleh.

Labada wasiir, ayaa isweydaarsaday waayo-aragnimada daddaalka loogu jiro sidii loo gaari lahaa horumar dhaqan-dhaqaale kaasoo ugu danbeyntii horseedi kara xal kama dambeys ah.

Advertisement

Sidoo kale Wasiirka qorsheysan Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirka dhaqaalaha iyo Maaliyadda Jabuuti ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ku qotoma walaaltinimo iyo wax wada-qabsi.

Wasiir Beenebeene, ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee Dalka Jabuuti, Mudane Ilyas M. Dawaleh soo dhaweynta milgaha iyo sharafta leh ee uu u fidiyay asiga iyo wafdigiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here