GAROWE (DAYNIILE.COM)-Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa si kulul uga hadlay go’aankii Dowlada Somalia ku dalbatay in la xiro Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya.

Maamulka Puntland wuxuu ku tilmaamay talaabadaasi mid lagu degdegay oo qar iska tuurnimo ah islamarkaana aan laga fiirsan sida uu sheegay Wasiirkooda Warfaafinta Maxamuud Ceydiid Dirir.

Advertisement

“Xafiiska Qaramada Midoobe ee Somaliya UNSOM wuxuu kaalin muuqata ku leeyahay siyaasada iyo Amniga Somalia “ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland

Wasiirka wuxuu intaasi ku daray in Xafiiska UNSOM uu mar kasta u taagan yahay  xal u helida khilaafaadka soo  dhexgala Dowlada Somalia iyo Dowlad Goboleedyada,hadii booskaas ay baneeyaana uu burburayo mid ka mida tiirarka Dowladnimada.

Mr.Ceydiid Dirir wuxuu sidoo kale sheegay in Dowlada Somalia ee hada jirta ay tahay mid aan awood u lahayn inay maamusho dalka oo dhan sidaas daraadeedna ay xiligaan ku degdegtay damaceeda ah in la xiro Xafiiska UNSOM.

“Xafiiska UNSOM wuxuu difaacaa qadiyada dowladnimada Somalia waana doorkooda ugu kuhiimsan ee xiligaan”ayuu mar kale yiri Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland oo la hadlaayay BBC Somali.

Wasiirka Warfaafinta Maamul Goboleedka Puntland wuxuu carabka ku dhuftay in Xasan Sheekh xiri karin Xafiiska UNSOM.

“xagee joogtaa Dowlad xiri karta UNSOM, Xassan Sheikh  isagaaba maalin kasta looga yeeraa Xalane”ayuu mar kale yiri Wasiir Ceydiid Dirir

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here