Dhacdo argagax leh ayaa la soo sheegayaa iney ka dhacday xerada Qaxootiga Xagardheer oo ka tirsan xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya kadib markii nin ku hubeysan Mindi uu dil iyo dhaawac u geystay dad eheladiisa ka tirsan.

C/qaadir C/llaahi ayaa gowrcay wiil hal sano jir ah oo uu Abti u ahaa, isagoo sidoo kale dhaawacay walaashiis oo uur 8 bilood ah laheyd

Advertisement

Dadka deegaanka ayaa tilmaamay inay aad uga argagaxeen falkaasi.

“Arrin aad u fool xun baa halkan ka dhacday, taasoo ah in wiil uu dilay walaashiis iyo wiil yar oo ilmaha halka sano jira, wiilka yar wuxuu ku dhuftay toorey isaga oo ka geliyay dhuunta, kadibna gowracay kaasoo markiiba geeriyooday” ayuu yiri oday ka tirsan dadka degaanka oo dhacdadan ka hadlay.

Dhaawac halis ah ayuu sidoo kale ninkan u geystay gabadha xaamilada ah, kadib markii uu ku dhuftay masaar iyo baangad uu watay.

“Walaashiis wuxuu madaxa kaga dhuftay masaar kadibna Baangad ayuu dhegta kaga jaray waxaa loo qaaday isbitaal ku yaalla magaalada Gaarisa” ayuu intaas ku daray.

Ma cadda sababta falkan ka dambeysay, hase ahaatee ninka falkan geystay oo baxsaday ayaa la sheegay inuu aad u isticmaali jiray Maandoriyaha noocyadiisa kala duwan.

Previous articleDuqa Muqdisho & Taliyaha Ciidanka Booliska oo kulan la yeeshay ilaalada xarunta dowladda hoose ee Xamar
Next articleKooxda Newcastle United oo hoos u dhigtay FIFA iyadoo kooxaha Premier League ay lacag bixinta bangiyada tartanka ku jiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here