Waxaa mar kale xal laga gaaray dhulka Dam-damiska ee dhawaan dowladu amartay inay ka baxaan shacabkii deganaa kadib markii odayaal u hadlay shacabka ay diideen in laga saaro ‘iyagoona ku hanjabay inay dagaalami doonaan.

Xildhibaan Ilyaas ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku faahfaahiyay:-

Advertisement

Dhulka Dabdamiska

Waa markii sadaxaad oo dhulka Dabdamiska lagala hadlayo Dowladda gaar ahaan, Taliska Police-ka iyo xitaa Madaxweeynaha dalka.

Labo mar oo hore waxaa arrinkaas kala hadlay Taliska Police-ka iyo Madaxweeynaha, Xildhibaanada matala dadka dagan dhulka Dabdamiska. Waxaana labadaas marba lagu guuleeystay in dib loo dhigo waqti uu Taliska Police-ka u qabtay in dadka meeshaas dagan uga guuraan.

Waa ku mahadsanyahay Madaxweeyne Qoorqoor in markii sadaxaad uu ku guuleeystay in dib loo dhigo waqtigii loo qabtay in ay ku guuraan dadka ehelka ah ee dagan dhulkaas.

Xaqiiqduse waxeey tahay in Taliska Police & Madaxweeynuhu inoo sheegeen in dhulkaas laga dhisayo xarun dabdamis oo wayn oo dhismaheeda ay Dowladda Soomaaliya ka caawineeyso Dowladda Sacuudida. Hadaba, Dhabtu waxeey tahay in laga maarmaan ay tahay in xal rasmi ah laga gaaro dhulkaas oo maalin walba buuq iyo iska daba jiitan aan lagu jiri karin!.

Previous articleWasiirka Maaliyada oo shir Caalamiya uga qeybgalay Mareykanka
Next articleIsra’iil oo Gantaalo ku dhufatay Gobolka ka mida Dalka Iiran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here