Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxyo laga maqlay jimcaha maanta waqooyi-galbeed ee magaalada Isfahan dalka Iiraa sida ay shaacisay wakaalada wararka Fars ee dalka Iraan.

Sidoo kale isla saaka waxaa qarax laga maqlay garoonka diyaaradaha ee bartamaha magaalada Isfahan.

Advertisement

Saraakiil Mareykan ah sida laga soo xigtay qaraxyadaasi ayaa dhamaantood ah  gantaalo Israa’iil ku riday magaalada Isfahan dalka Iiraa halkaasoo ay ku yaalaa xarumaha ciidamada Cirka iyo waliba goobaha ay Nuyukleerka ku farsameeyaan Iran.

Waxaa la hakiyay duulimaadyadii isaga kala gooshi jiray magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Dalka Iiraan sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP kadib markii Yuhuudu sheegeen inay Iran ka weerar jawaab celin ah ku qaadayaan.

Sida lagu baahiyay TV-ga Qaranka Iran Nidaamka difaaca Hawada Iran ayaa burburiyay sedex diyaaradood oo nuuca aan duuliyaha lahayn markii lagu arkay hawada Dalkaasi gaar ahaan Magaalada Isfaham.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleDhulka Dam-damiska oo mar kale xal laga gaaray
Next articleDEG DEG: Dowlada Somalia oo dib u dhigtay shirkii Golaha Wada-tashiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here