BUULO-BURDE (DAYNIILE.COM-Kooxda Alshabaab ayaa warbaahinta usoo bandhigeen diyaarad nuuca aan duuliyaha lahayn oo ku soo dhacday deegaan ay iyagu ka taliyaan.

Deegaanka Alshabaab Maamulaan ee  Drons-kaani  ku dhacday ayaa ku dhaw  Magaalada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan.

Advertisement

Sida ka muuqata sawirada ay Alshabaab soo bandhigeen diyaaradaan waxaa ku xiran kaamirooyin waa weyn inkastoo aysan alshabaab sii faahfaaiin.

Drons-kaa waxaa loo maleynayaa in laga leeyahay Dalka Mareykanka madaama ay yihiin kuwa ugu badan ee ka howl gala Somalia.

Inta badan drons-ka Mareykanka waxay basaasaan oo xitaa duqeeyaan dagaal yahanada  Alshabaab ee ka howlgala koonfurta Soomaaliya.

Dhanka kale Dowlada Somalia iyo dalka laga leeyahay midkoodna wali kama hadlin diyaarada soo dhacday iyo sababta.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleDeegaanka Gubadleey oo dhistay Xarunta Maamulka+SAWIRRO
Next articleNetanyahu oo sheegay inay awood u adeegsanayaan soo deynta maxaabiista laga heysyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here