Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa u sheegay qaraabada askarta looga  haysto Gaza in cadaadis militari oo kaliya uu xaqiijin doono siideyntooda, ciidankuna ay diyaarinayaan inay galaan Rafah.

“Waxaan qabnay waqooyiga Marinka Gaza iyo Khan Younis,” ayaa yiri Netanyah

Advertisement

Wuxuu gabi ahaanba diidan yahay in qaab wada hadal ah lagu xaliyo sida xabad joojintii mudada laga soo shaqeynayay.

Dhanka kale Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa soo saartay laba tallaabo oo cusub oo ay ku eedaysay Israa’iil falal xasuuq ah oo ay ka geysatay ololaheeda milatari ee Gaza.

ICJ waxay u sheegtay Israa’iil inay qaado tillaabooyin daahitaan la’aan” si loo xaqiijiyo “bixinta aan la xannibin ee adeegyada aasaasiga ah iyo gargaarka bini’aadantinimo, oo ay ku jiraan cunto, biyo, shidaal iyo sahay caafimaad.

Ugu yaraan 32,552 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 74,980 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleDiyaarad Drons ah oo ku dhacday deegaan Al-shaabku ka taliyaan +SAWIRRO
Next articleShariif Sh. Axmed oo sheegay in natiijo la ogyahay laga sugayo shirka baarlamaanka ee beri

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here