Bishan August 16-dii ayaa waxaa Garoonka caalamiga diyaaradaha ee Kenneth Kaunda International Airport ee ku yaalla Caasimadda dalka Zambia ee Lusaka lagu qabtay diyaarad la sheegay inay waday Shixnad Lacag, Dahab iyo Hub.

Advertisement

Diyaaradaasi oo ka timid Qaahira ayaa waxay waday lacag dhan 5.7 million oo Dollar,  Dahab, Bistoolado iyo rasaas fara badan.

Madaxa Guddiga La-dagaalanka Daroogaa ee dalkaasi (DEC), Nasun Banda oo ka hadlay Shir Jaraa’id ayaa waxa uu sheegay inay gacanta ku dhigeen  ilaa 10 qof oo Ajaaniib ah, kuwaasi oo la socday Diyaarada la qabtay oo  nooceedu ahaa Bombardier,  Global Express T7-WSS.

Waxa uu xusay inay qabteen 6 Masaari ah, Nin u dhashay dalka Spain iyo 3 qof oo ka soo kala jeeda dalalka Latvia, The Netherlands (Dutch) iyo Zambia.

Dhinaca kale, Shabakada La-socodka Duullimaadyada  Diyaaradaha Caalamka ee Flightradar24 ayaa waxay soo bandhigtay dalalka ay Transit ku soo martay Diyaaradda weli ku xayiran Garoonka Diyaaradaha KKIA ee Caasimadda dalka Zambia ee Lusaka.

Wargeyska Zambian Observer waxa uu ka soo xigtay Shabakadda La-socodka Duullimaadyada Diyaaradaha Caalamka in Diyaaradda GLEX ama T7-WSS ay bishan 12-dii, Abaarihii 08:09 Fiidnimo ka soo duushay Caasimadda dalka Urdun ee Amman, kadibna ay ku degtay Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Qaahira.

Shabakadda La-socodka Duullimaadyada Diyaaradaha Caalamka ee Flight Radar 24 waxay kaloo bartooda soo dhigeen inay Diyaaradda T7-WSS ama GLEX wax yar kadib u safartay dalka Somalia, oo ay uga sii gudubtay Caasimadda dalka

Ethiopia ee Addis Ababa ilaa ay ugu dambayntii Diyaaradda ka caga dhigatay Garoonka Kenneth Kaunda International Airport ee Lusaka abaarihii 06:14 daqiiqo ee xilliga dalka Zambia.

Si kastaba, Diyaaradda ku xayiran dalka Zambia kama diiwaan gashana dalka Masar, balse, waxaa laga leeyahay oo ay ka diiwaan gashan tahay SAN MARINO oo ah dal yar oo aan Bad lahayn, kuna dhex yaalla dalka Talyaaniga.

San Marino waa dalka 5-aad ee ugu yar Caalamka, waxaa ku nool  33,744 oo qof.

Previous articleDagaal ka dhacay Garoowe & Taliska Booliska oo faah faahin ka bixiyay
Next articleCiidamada Dowladda oo jiho cusub kaga dhaqaaqay dagaalka lagu wajahaayo Ceelbuur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here