Diyaaradaha Dagaalka dalalka saaxiibka la  ah Dowlada Soomaaliya ayaa maanta duqeyn waxay u gaysteen deegaano ku dhow Degmada Mahadaay oo sidaan oo kale maalmo ka hor loo duqeeyay.

Deegaanka la duqeeyay ayaa la soo sheegayaa inay maalintii 4-aad ku go’doonsan yihiin dagaaal yahano ka tirsan Alshabaab.

Advertisement

Sarkaal u hadlay ciidamada deegaanka ee macawisleeyda loo yaqaan ayaa sheegay in dagaalamayaasha Alshabaab dhufeysyo ka qoteen howdka halkaasoo ay ku dhuumaaleysanayaan.

“meel keymo ah ayay godad ka qoteen waxaana lagu garaacay gantaa  waana lagu hareereysa yahay mana jirto meel ay u baxsan karaan ”ayuu yiri sarkalka macawisleyda ka tirsan

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here