Kadib markii shalay Dowlada Somalia dalkeeda ka ceyrisay Safiirka Itoobiya ee Somalia ku sugnaa iyo xiristii qunsuliyadaha Garowe iyo Hargeysa ayay dhinacyadu war ka soo wada saareen walow tii puntland aan hore idinku soo gudbinay.

Dowlada Itoobiya waxaa u hadlay Af-hayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo lagu magacaabo Nebiyu Tedla.

Advertisement

Afhayeenka wuxuu ku gaabsaday in Itoobiya warba u heyn wararkaani sheegaya in Safiirkoodii la soo eryay.

“markii ugu horreysay arintan waxaan ka maqalnay oo si rasmi ah u shaaciyay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya”ayuu yiri afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, Nebiyu Tedla.

Sidoo kale Maamulka Somaliland waxaa u hadlay Wasiir xigeenkooda arrimaha dibadda  Rooda Jaamac taasoo sheegtay in inaysan qusayn go’aanka ka soo baxay dowladda Federalka.

Rooda Jaamac oo la hadleysay BBC Somalia waxay intaasi ku dartay in xiriirka Itoobiya iyo Somaliland uu yahay mid quseeya labada dhinac ayna xoojinayaan.

“sinaba nooma quseeyo  wax lagaga hadlay Xamar, Itoobiya iyo Somaliland waxaa ka dhexeeya  xirir wanaagsan,mida kale qunsuiyada Itoobiya muddo ayey ka furnayd Hargeysa  inuu xiriirkeennu sii ballaarto maahee ma yaraanayo,” ayey tiri Rooda

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleMadaxweyne Xasan oo kacbada uga soo duceeyay Soomaalida+SAWIRRO
Next articleDilka hadal haynta ka dhaliyey Sweden ee wiilkan Soomaaliga ah loogu xiray, loona maxkamadaynayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here