Nairobi (dayniiile.com)-War ka soo baxay Hay’adaha amniga ee Dalka Kenya ayaa lagu muujiyay cabsi ay ka qabaan weeraro Xamaas lagu taageerayo in dalkeeda lagu soo qaado.

Kenya  waxay  soo saareen diginin uu heerkoodu sarreeyo iyagoona ka digaya weeraro Alshabaab la doonayaan inay ku qaado Kennya.

Advertisement

Cabsidaan ay Kenyaanku muujinayaan ayaa ah in dagaalyahanada Alshabaab qaataan fikrado ku taageerayaan Xamaas islamarkaana ay kenya taargad kaga dhiganayaan.

Qoraal ay Twiterka soo dhigeen taliska Booliiska Kenya gaar ahaan kuwa la baxay argagaxisa la dirirka  ayay ku xuseen colaada u dhexeysa Yuhuuda iyo Xamaas ay xitaa saameyn ku yeelan karto amaanka Caalamka.

Sidoo kale Kenyaanku waxay ka digayaan khatar ay sheegeen inay ka dhalan karto in Alshabaab weeraro midnimo la galaan dagaalyahanada reer Falastiin ee Xamaas taasoo culeys ku noqon karta amnigooda loona baahan yahay in laga hor tago.

Digniinta Kenya waxay ku soo aadeysaa  maalin kadib markii Alshabab ay taageertay weerarka Xamaas ay ku qaaday Israel.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMadaxda u sareysa Dowlada oo qaabileen Hogaamiyaha SSC
Next articleMaxaa ka jira in Dowladu warbixin ka soo saareyso xaalka Nageeye Cali Khaliif

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here