Muqdisho (dayniiile.com)- Nageeye Cali Khaliif oo maalmhii ugu danbeeyay aad loo hadal hayay inuu Alshabaab ku biiray ayaa ugu danbeyn la sheegayaa in Dowladu kiiskiisa isha ku hayso.

Sida BBC-du sheegtay saraakiil ka tiran hay’addaha Amniga ee dowladda ayay ka soo xigteen inay baaritaan ku waddaan ninkaani macalin ka ahaa Jaamacada Ummmada.

Advertisement

Saraakiisha Dowladu waxay intaasi ku daree inay warbixin ka soo-saari doonaan xaalka Negeeye.

Hay’addaha amniga ee Dowlada waxay carababeen  inay ogyihiin in Negeeye gurigiisa ka maqan yahay muddo shan maalin ah sidoo kalanax dhamaan taleefaanaadkiisii ay hawada ka maqan yihiin.

Lama saadaalin karo inta ay ku qaadan karto Hay’adaha amniga Dowlada Soomaaliya inay faah-faahin ka bixiyaan cadeynta in Nageeye Alshabaab ku biiray iyo waliba halka uu ku danbeeyo intaba.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleDowlada Kenya oo ka cabsi qabta in Alshabaab fuliyaan weeraro ay Xamaas ku taageerayan.
Next articleHooyo Cunugii ay dhashay ku tuurtay Musqul Magaalada Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here