Abidjan,Maarso-05-2024. Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeebgalay Shirka 18-aad ee Midowga Baarlamaanada URURKA ISKAASHIGA ISLAAMKA (PUIC) “Parliamentary Union of the OIC Member States (PUIC)”.
Guddoomiyha waxaa shirkaan ku wahlinaya Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka jamhuuriyada Federalka ee Soomaaliya Shirkan oo looga hadlayay Isbadalka Cimilada Aduunka ayaa waxa uu ka socdaa Magaalada abidjan ee Caasimadda Wadanka IVORYCOAST.
Intaas Kadib Guddomiyaha oo hadal kooban ka jeediyay shiraka ayaa kawar bixiyay xaalada Arrimaha Somaliya iyo sidoo kale heshiis beenaadkii ay galeen Itoobiya iyo Soomaaliland, isku dayga xad-gudbay Qaranimada, Madax-bannaanida iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxuuna sheegay in Itoobiya ay jibisay inay ilaaliso xeerarka iyo mabaadiida deris-wanaagga, ixtiraamka Madaxbanaanida dhuleed ee Dowladda Soomaaliya.

Gabagabadii shirka Midowga Baarlamaanada Ururka Iskaashiga Islaamka (PUIC) ayaa lagu caddeeyay inay si buuxda u diideen heshiis beenaadkii ay galeen Itoobiya iyo Soomaaliland, isku dayga lagu xad-gudbay Qaranimada, Madax-bannaanida iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna soo jeediyeen Itoobiya inay ilaaliso xeerarka iyo mabaadiida deris-wanaagga, ixtiraamka Madaxbanaanida dawladaha, iyo in aan la faragelin arrimahooda gudaha si loo helo amni iyo xasilooni ka dhalata gobolka.
May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of dais and textMay be an image of 5 people, suit and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 8 people, newsroom, dais and textMay be an image of 8 people, dais, newsroom and textMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 4 people, dais, newsroom and text that says "Thème CH"May be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people, dais, newsroom and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 4 people, suit and textMay be an image of dais and text
Previous articleWar Saxaafadeed Dowladu ka soo saartay la dagaalanka Alshabab ee dhanka Alshabaab
Next articleWasiirka Warfaafinta oo kulan la qaata Wasiir dibadeedka Tanzania

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here