Laba maleeshiya Beelood ayaa la soo sheegayaa inay ku dagaalamayaan Magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Mid ka mida Culumada Soomaaliyed oo u dhashay Gobolada Bay iyo Bakool ayaa ka hadlay colaadaasi isagoona baaq nabadeed u diray labada beelood ee walaalaha ah.

Advertisement

Gudoomiyaha Golaha Guud ee Culimada Soomaaliyeed Sheekh Maxamud Sheekh Cabdulbaari ayaa labada beelood ugu baaqay inay jooiiyaan dagaalka.

Shiikha wuxuu u tilmaamay labada Beolood in iyadoon awalba ay qalad ahayd in dad walaalo ah dhiig iska daadiyaa  in hadana lagu jiro bishii fadliga badneyd ee Ramadaan.

“Waxaa lagu jiraa bishii Alle loo dhawaan lahaa ,lala iman lahaa acmaal wanaagsan,Alle la weydiisan lahaa danbi dhaaf,sidoo kale la is cafin lahaa”ayuu yiri Sheekh Maxamud Sheekh Cabdulbaari.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleDEG DEG: Xildhibaanada labada aqal oo ansixiyay Dastuurka
Next articleGuulaha Dowlada iyo meel marinta afarta cutub ee dastuurka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here