MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhaw  si wadajir ah u ansixiyay 4-ta cutub ee ugu horreysa Dastuurka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay inay codkooda wada dhiibteen 254 mudane oo labada aqal ah kuwaasoo cod buuxa ku meel mariyay ansixinta Dastuurka.

Advertisement

Xildhibaanada labada aqal midkoodna ma diidin mana ka aamusin.

Shirka markuu bilowday ugu horeyn Gudoomiyaha Golaha shacabka Adan Madoobe ayaa cod geliyay in dastuurka afartiisa qodob raseyntiisa loogu codeeyo cutub cutub.

Cutubka 1-aad ilaa 4-aad ayaa  cod buuxa lagu meel mariyay mid kasta gaarkiisa,shirka ayaa ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho.

Kulanka xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Saaka  ka furmay xarunta Villa Hargeysa, waxaana kooramka soo xaadiray 254 mudane oo kala ah 212 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 42 senator oo Aqalka Sare ah.

XAFIISKA WARARKA 

DAYNIILE.COM

Previous articleDagaalyahanada Xisbullah oo shaaciyeen inay weerar ku qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen Ciidamada Yuhuuda
Next articleMaxaa laga yiri Beelaha ku dagaalamaya Diinsoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here