Muqdisho, 30 March 2024: Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyey afarta cutub ee dib u eegista, wax ka badelka iyo dhameystirka Dastuurka.

Tallaabadan taariikhiga ah ayaa waddada u xaareysa fulinta ballanqaadyada Dowladda ee dhameystirka tiirarka muhiimka u ah dhismaha siyaasad xasiloon oo Somalia ay yeelato.

Advertisement

Guulaha muddada labada sanno ka yar ay Somalia ku tallaabsaneyso sida Deyn Cafinta, Qaadista Cunaqabateynta Hubka, Dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, Ku Biirista Suuqa Bariga Afrika iyo xoojinta xiriirka caalamiga ah waxay ka tarjumeysaa in Somalia ay cagta saartey waddada horumarka, nabadda iyo barwaaqada.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay mar kale u mahad celineysaa Xildhibaannada labada aqal oo maanta muujiyay tallaabo geesinimo ah, una hiiliyey dowladnimada iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee ay wakiilka ka yihiin.

XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA

Previous articleMaxaa laga yiri Beelaha ku dagaalamaya Diinsoor
Next articleCiidamada Badda India oo mar kale qabqabtay Soomaali Burcad badeed ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here