War ka soo baxay Taliska Ciidamada Badda ee Dalka India ayaa lagu shaaciyay inay mar kale qabteen kooxo ka tirsan burcad badeeda Soomaalida.

Warka India ka soo baxay waxaa lagu xusay in kooxahaani Soomaalida isasoo dhiibeen kadib howlgal Ciidamada Badda India ka fuliyeen meel ku dhaw jasiiradda Socotra.

Advertisement

Burcad badeeda Soomaalida ee isasoo dhiibay waxay hayseed dooni kaluumeysi oo laga leeyahay Dalka Iiraan balse ay saaran yihiin shaqaale badan oo u dhashay Dalka Pakistan.

Guud ahaan shaqaalaha Pakistaaniyiinta oo 23 ahaa  way nabad qabaan iyaga iyo doontii ay wateen markii kooxihii heystay ay isu dhiibeen Ciidamada India.

Markabka INS Sumedha ee ciidanka badda Hindiya ayaa weeraray burcad badeeda wuxuuna howlgalka socday in ka badab 10 saacadood markaasoo ugu danbeyna butcad badeedu is dhiibeen.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleGuulaha Dowlada iyo meel marinta afarta cutub ee dastuurka
Next articleMadaxweyne Xasan oo ka hadlay ansixinta Dastuurka+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here