HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Maamulka Somaliland ayaa mar kale ka hadlay dil dhawaan Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee Cabdinaasir Muuse Dahable.
Somaliland waxay mar kale xustay in  masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya ay ka dambeeyaan dilkaasi.
WWarka Somaliland maanta ka soo baxay waxaa sidoo kale lagu sheegay inay talaab qaadi doonaan haddii la soo dayn waayo dhalinyaro reer Somaliland ah u xiran arimo la xiriira dilkaasi.
“Haddii la sii deyn waayo dhalinyaradaas talaabooyin waa weyn ayaan qaadeynaa haddii Dowlada Somalia ay maalmaha soo socda deyn weyso dhalinyaradaas”ayaa lagu yiri war hanjabaad u muuqda oo ka soo baxay Maamulka Somaliland.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleDowlada oo la hadashay Beelaha ku dagaalamaya Gobolada Dalka qaarkood
Next articleWasiirka Gaashaandhiga oo gaaray Dekada si uu uga qeybgalo soo dhaweynta Markabka Dagaalka Turkey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here