MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa gaaray dekada Magaalada Muqdisho halkaasoo uu maanta ku soo xirtay Markab weyn oo nuuca dagaalka  ah kaaso ay leedahay Dowlada Turkey.
Wasiirka ayaa gogol xaar u ah tagista  Madaxweynaha Soomaaliya ee Dekada si ay uga wada qeybgalaan munaasabad lagu wado inay ka dhacdo markabka dagaalla dushiisa..
Munaasabada ayaa ah mid soo dhaweyn loogu sameynayo markabka dagaalka Turkey 🇹🇷  iyo kuwa kale oo iman doona iyaguna.
Madaxweyne Xasan Sheekh ,wasiirka gaashaandhiga C/qaadir iyo saraakiisha Turkey ayaa lagu wadaa inay khudbado ka jeediyaan munaasabada oo markabka dushiisa ka dhaceysa.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleMaamulka Somaliland oo mar kale hanjabaad uu ka soo yeeray
Next articleWasiirka Isgaarsiinta muxuu kala hadlay Shirkadaha Isgaarsiinta+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here