Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗖𝗮𝗹𝗶 (𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶) ayaa maanta xarunta Wasaaradda waxa uu shir Isbarasho ah iyo soo dhaweyn gaar ah kula yeeshay Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka, waxaana looga wada hadlay xoojinta iyo xiriirka Wadashaqeynta ee ka dhaxeeyso Wasaaradda iyo Shirkadaha Isgaarsiinta.

Sidoo kale Shirkaan waxaa qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq iyo qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda.

Advertisement

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶 ayaa bogaadiyey Shaqada ay Shirkaddaha Isgaarsiinta u hayaan Bulshada Soomalaaliyeed iyo sida ay hanti badan ugaliyeen dalka iyga oo qeyb weyn ka ah Kobaca Dhaqaalaha Dalka…”Sida aan la socono aduunka Shirkaddaha Dalkasta leeyahay waa lagu faanaa,Wasaaradda waxa ay u shaqeysaa Ganacsatada Soomaaliyeed, waxaad u baahantihiin in la xoojiyo Shuruucdii la idinku difaaci lahaa oo diyaar ah, duruufaha aad ku shaqeysaan waa Fahmayaa waxaana rajeenayaa in Tartanka Shirkaddaha uu noqdo mid hufan oo dan u ah Bulshada Soomaaliyeed….ayuu yiri 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶.

𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝗱𝗮 𝗦𝗵𝗶𝗿𝗸𝗮𝗱𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗜𝘀𝗴𝗮𝗮𝗿𝘀𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 ayaa ka Mahadceliyey kulanka gaar ah ee ay la yeesheen Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, waxa ayna ballan qaadeen in ay si dhow u wada shaqeyndoonaan.

Previous articleWasiirka Gaashaandhiga oo gaaray Dekada si uu uga qeybgalo soo dhaweynta Markabka Dagaalka Turkey
Next articleXamze Cabdi-Barre oo ka qeybgalay mideynta shirkadaha Korontada Xamar+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here