MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhihaan C/raxmaan C/shukuur Warsame  ayaa ka hadlay ninkii dhawaan gubey xaaskiisa kaasoo wali baxsad ka ah laamaha amaanka ee Muqdisho.

Siyaasiga caanka ah Xildhihaan C/raxmaan C/shukuur ayaa talooyin siiyay Booliiska si loo soo qabto gacan ku dhiigle Sayid Cali Macalin Daa’uud

Advertisement

“Booliska iyo laamaha kale ee amniga wuxuu waajib ka saaran yahay in ay soo qabtaan eedaysanaha”ayuu yiri Xildhihaan C/raxmaan C/shukuu

Xildhihaanka wuxuu kula taliyay Booliiska inay bulshada la socodsiiyaan tillaabooyinka ay qaadeen, iyo halka ay hawli u joogto.

“talaabadaasi waxay dejinaysaa shacabka argagaxsan, waxayna dhisaysaa kalsoonida lagu qabo Booliska”ayuu yiri Xildhibaanka.

Wuxuu ugu baaqay Booliska iyo laamaha kale ee amniga inay soo qabtaan eedeysanaha taasoo ah waajib saaran iyaga.

Dhanka kale mar uu xildhibaanku  ka hadlaayay falkaan dilka ah ayuu sheegay in Dilkaasi bahalnimada ah uu argagax ku riday bulshada oo idil.

“Inaad dab qabadsiiso xaaskaada oo xaamilo ah oo lix caruur oo agoon ah u xoojisa waa faldanbi ka baxsan xayndaabka bani’aadannimada”ayuu yiri mudanaha .

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleWiil Soomaaliyeed oo xalay lagu dilay Cape-town
Next articleDagaal Kismaayo ku dhex-maray Alshabaab iyo Dowlada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here