Wararka laga helaayo Dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay lagu dilay wiil Soomaaliyeed oo halkaasi ka shaqeysanayay.

Allaha u naxaristee wiilka oo lagu magacaaji jirey Ayuub Xagafeey ayaa lagu dilay Deegaanka Usta oo  wax yar ka baxsan Magaalada Cape-town.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Ayuub lagu dhex dilay tukaan uu ganqcsi ku heystay markii ay usoo galeen burcad koonfur Afrikaan ah.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in lucation-ka Usta ee lagu dilay ay ku nool yihiin dadka madow ee Koonfur Afrika islamarkaana aysan Somalidu ku badneyn.

Ciidamada Booliiska ayaa sida lagu bartay goobta gaaray, kaliyana baaritaankoodii ayay galeen kadibna meydka ayaa laga qaaday goobta.

Si kataba Wiilka la dilay Rabi ha u naxariistee ayaa ah reer Muqdisho,wuxuuna ku sugan yaya Koonfur Afrika 2 ilaa 3 sano oo kaliya.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleHowlgal Alshabaab looga saaray deegaano hor leh Gobolka Mudug
Next articleC/raxmaan C/shukuur oo talooyin siiyay Booliiska si loo soo qabto ninkii gubey xaaskiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here