Ra’iisul wasaaraha xukuumadda jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda UK u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis, waxaana kulankooda ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul wasaaraha ayaa danjiraha la wadaagay qorshaha xukuumadda ee ku wajahan dib u xoreynta dalka, taageerada loogu baahan yahay barnaamijka xasillinta deegaanada laga AL-Shabaab iyo dardar-galinta mashruucyada horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta, gargaarka iyo amniga.

Advertisement

 

Previous articleShir xasaasi ah oo laga yeeshay Amniga Muqdisho
Next articleHanti dhowraha guud ee qaranka oo shaaciyay lacago badan oo ku maqan Safaaradaha Soomaaliya ee Turkiga, Kenya iyo Jarmalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here