Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cali Doodishe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan ku saabsan dardargelinta amniga Caasimadda iyo Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Maandooriyaha la qaatay Saraakiisha Laamaha kala gedisan ee Amniga iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin, Taliska Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidanka Xasilinta Caasimadda ee Police Millitary iyo dhamaan saraakiisha ka shaqeysa Laamaha Amniga Caasimadda Muqdisho.

Advertisement

Shirkaan ayaa la isla qaatay in la dardargeliyo Awaamiirtii horey ugu soo baxay Madaxda Dowladda oo ay ugu horeyso Xakameynta Hubka iyadoona qofkii ku xadgudubta lala tiigsan doonno Maxkamadaha ku shaqada leh, Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab  (Garan-waaga), Maandooriyaha, Wacyigelinta Bulshada iyo in la xoojiyo Wada-shaqeynta ka dhaxeysa Bulshada iyo Laamaha Amaanka.

Ugu daneyn shirkaan ayaa lagu amaanay Doorka Hogaamineed ee Madaxweynaha Jamhuiriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab , si dagaalkaasi loogu guul gaarana ay muhiim tahay in Bulshada Caasimadda ee doorkooda ka qaataan dagaalka.

Previous articleKooxda Alshabaab oo xayiraad saartay 35 xarun oo ay leeyihiin Shirkadda Hormuud
Next articleRW Xamse oo Qaabilay danjiraha boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here