Kooxda Shabab ayaa xayiraad ku soo rogay illaa 35 Xarun oo ay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ka howlgaleysay oo ku yaalla qaar ka mid ah gobolada dalka, iyagoo ku wargeliyay dadweynaha ku nool deegaanada ay maamulaan ee isticmaala adeega shirkadaas inay isaga guuraan oo ay qaataan taleefanada shirkadaha kale, waxaana gebi ahaanba ay joojiyeen dhammaan wixii gaadiid shirkadda laheyd ee ka howlgalayay deegaanada.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo Kooxda ka soo baxay oo ah in gebi ahaanba xireen adeegga shirkadaas, haddana waxaa muddooyinkii u dambeeyay jiray is-maandhaaf u dhaxeeyay Shirkadda iyo Horjoogayaasha Shabaab oo ku cadaadinayay Hormuud inay joojiyaan adeegga lacagaha mushaaraadka ciidamada dowladda ugu dhaco taleefanada, inkastoo dalabkaas shirkaddu sheegtay in aanay u fududeyn dhaqan galkiisa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here