Khilaaf soo kala dhax galay Xildhibaannada beesha Murusade iyo Odayaasha dhaqan beesha!

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa xalay Dhuusomareeb kula kulmay Sadax kamid ah Odayaasha dhaqanka beesha Murusade, waxa uuna kala hadlayay howlgalka la doonayo in lagu xureeyo degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.

Advertisement

Kulanka ayaa intii uu socday ayaa mid kamid ah odayaasha beesha madaxweynaha ka codsaday inta uusan howlgalka bilaaban in la helo Murusade heshiis ah oo is wata , waxa uuna ka codsaday madaxweynaha in fursad siiyo kana shaqeeyo sidii Dhuusomareeb isugu keeni lahaa indheer garadka Murusade iyo siyaasiyiinta si towfiiq loo helo loona aado dagaalka iyada oo la is wato beesha iyo dowladda.

Hadalkaas marka uu jeediyay nabadoonka ayaa waxaa ka dhinac hadlay oday kale oo sheegay in Murusade oo isku duuban taageersan yihiin dowladda ayna uga dambeeyaan howlgalka wasiirka Caddaaladda, waxa uuna ka codsaday madaxweynaha in shir aan la qaban oo dagaalka la aado, taas oo odayaasha ka dhax dhalisay khilaaf, waxa uuna madaxweynaha ka codsaday odayaasha in xaalada dejiyaan iskuna yimaadaan marka howlgalka laga soo laabto oo la xureeyo deegaannada beesha Murusade.

Dhanka kale Habeenno kahor waxaa sidaan oo kale madaxweynaha hortiisa iyagana isugu khilaafay qaar kamid ah xildhibaannada beesha Murusade, kuwaa oo madaxweynaha ugu tagay sidii loo wajihi lahaa howlgalka lagu xureenayo deegaannada ay degto beesha Murusade.

Xildhibaan katirsan beesha Murusade ayaa madaxweynaha kahor sheegay in aysan dagaalka u raaceyn ilaa madaxweynaha beesha ka siiyo xaquuqda ka maqan, hasa ahaatee waxaa hadalka dafay xildhibaan kale oo madaxweynaha u sheegay in ay taageersan yihiin in marka hore dagaal la aado , kaddibna laga wada hadlo xaquuqda beesha ka maqan , taas oo iyana dhalisay in xildhibaannada dhaxdooda isku buuqaan farahana isku taagaan madaxweynaha hortiisa.

Haddaba waxaa isweydiin mudan xildhibaannada iyo dhaqanka beesha Murusade miyaa qaldan mise madaxweyne Xasan Sheekh !! ?

 

W/Q Abdirahaman Mohamed Hussein

Previous articleWasiirka cadaaladda Soomaaliya oo Raali galiyay Golaha Shacabka
Next articleKooxda Alshabaab oo xayiraad saartay 35 xarun oo ay leeyihiin Shirkadda Hormuud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here