Wasiirka cadaaladda iyo dastuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa raali galin ka bixiyay kulankii golaha shacabka ee Sabtidii uu ka ballansanaa isla markaana uu dib uga dhacay.

Baarlamaanka ayuu hor geeyay hindise sharciyeed kadibna waxaa la sheegay in uu iska baxay isagoon wax sharraxaad ah wasiirku ka bixin sharcigaas iyo ujeedka laga lahaa.

Advertisement

Xasan Macallin oo maanta hadal kooban ka horjeediyay baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa sababta dib u dhaca keentay ku sheegay in maalintaas looga yeeray shir amniga qaranka looga arrinsanayay sidaa darteedna uu waqtigii ka soo dib dhacay.

Golaha shacabka ayaa qaarkood arrintaa ku tilmaamay dhaqan aan habbooneyn, iyagoo soo jeediyay in codka kalsoonida loo qaado wasiirka, balse qaar kale ayaa iyaguna soo jeediyay in xaaaladda aan cirka lagu shareerin oo si deggan loo maareeyo.

Previous articleDawladaha safka hore & howlgalka ATMIS oo ku heshiiyay in la dardar geliyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab
Next articleWarbixin: Khilaaf soo kala dhax galay Xildhibaannada beesha Murusade iyo Odayaasha dhaqan beesha!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here