Hanti dhowraha guud ee qaranka Axmed Ciise Guutaale ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay baaris uu sheegay inuu xafiiskiisa ku sameeyay qaar ka mid ah Safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay Dibadda.

Hanti dhowraha ayaa sheegay in baaritaanka lagu sameeyay Safaaradaha kala ah Turkiga, Kenya iyo Jarmalka oo uu tilmaamay in lacagaha ay qabteen Safaraadahaasi aanan loo maamulin sidii loogu talo galay, islamarkaana aan lagu soo muujn warbixnta Maaliyadda dowladda.

Advertisement

“Dakhli dhan 1.9 mliyan oo ay qabteen hay’adaha kala ah safaaradda Soomaaliya ee Kenya, Turkiga iyo safaaradda Jarmalka ayaan loo maamulin si wanaagsan oo aan loogu darin warbixinta maaliyadeed ee dowladda, Marka la eego khaladaadkaas hay’adaha ay baarista quseysay waxaa fikrad cilad leh ka bixiyay warbixinta baarista maaliyadeed ama xisaab xirka sanadka 2022 ee loo soo gudbiyay xafiiska hantidhowrka guud ee qaranka” ayuu yiri Axmed Ciise Guutaale.

Hanti dhowraha guug ee qaranka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in guud ahaa cadadka lacageed ee ku maqan Safaaradaha Soomaaliya ee dalalka Kenya, Turkiga iyo Jarnalka iney gaareyso 3 Milyan oo doolarka Mareykanka, wuxuuna xusay inaan lagu shubin qasnada dhexe dowladda.

“Dakhliga ay uruuriyeen safaaradaha la baaray oo dhan saddex milyan oo dollar ayaan lagu soo shubin khasnadda dhexe ee dowladda, ayada oo sidoo kale dakhliga qaar lagu qabtay cadaan ama cash arrintaas oo meesha ka saareysa daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka” ayuu yiri Hanti dhowraha guud ee qaranka Axmed Ciise Guutaale.

Previous articleRW Xamse oo Qaabilay danjiraha boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya
Next articleAlshabaab oo bilaabay inay isaga cararaan degaanada bariga ka xiga magaalada Dhuusomareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here